Bosaaso (Dawan) – Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNDP Soomaaliya), oo kaashanaya Wasaaradda Amniga iyo Booliska Puntland, ayaa ku qabtay Bosaaso afar tabobar oo ku saabsan hagaajinta iskaashiga ciidanka booliska iyo bulshada, sida ay sheegtay UNDP Soomaaliya Isniintii.
Tabobarada, oo taageero ka helaya Wakiiladda Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska (UK), ayaa diiradda saaraya sameynta Guddiyada Iskaashiga Booliska ee Maxalliga ah (LPPBs) iyo xoojinta wada-shaqeynta ciidamada booliska iyo bulshada.
UNDP Soomaaliya ayaa sheegtay in tabobarada ay ka soo qeyb galeen 61 askari oo boolis ah, hoggaamiyeyaal bulsho, ururada bulshada rayidka (CSOs), iyo mas’uuliyiin maxalli ah, kuwaas oo ka wadahadlay talooyinka muhiimka ah ee lagu horumarinayo adeegyada booliska iyo nabadgelyada bulshada.
“Dadaalladani waxay ujeedadoodu tahay in la dhiso kalsoonida, la hagaajiyo adeegyada booliska, iyo in bulshadu noqoto saaxiib firfircoon oo ka qayb qaata nabadgelyada iyo ammaanka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay UNDP Soomaaliya.
Tabobaradaasi waxay qayb ka yihiin Barnaamijka Wadajirka ee Booliska II (JPP II), oo socon doona laga bilaabo Janaayo 2024 ilaa Diseembar 2026. Barnaamijkani wuxuu leeyahay miisaaniyad dhan $14.9 milyan wuxuuna diiradda saaraya hagaajinta adeegyada booliska ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo la xoojinayo awoodaha hay’adaha amniga iyo booliska ee heerarka federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Barnaamijkan waxa si wada jir ah uga shaqeeya Midowga Yurub (EU), Boqortooyada Ingiriiska (UK), Qaramada Midoobay, iyo AUSOM.
JPP II waxaa loogu talagalay in lagu xalliyo caqabadaha horyaalla booliska, lagu taageero tallaabooyin la xiriira xuquuqda haweenka, iyo in la dhiso isuduwid dhexmarta qaybaha kala duwan ee ciidamada booliska.