Monday, September 16, 2024

Qaramada Midoobay oo soo jeedisay in ciidan nabad ilaalin ah la geeyo Suudaan

Khartoum (Dawan)- Guddi xaqiiqo raadin ah oo ka socda Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii ku baaqay in ciidan nabad ilaalin loo diro dalka Suudaan si loo badbaadiyo dadka rayidka ee dhibaatadu kasoo gaartay colaadda dalkaas ka jirta ee sababtay in malaayiin qof ay noqdaan hoy la’aan, kuwa kalena ay wajahayaan gaajo.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo kooxda kasoo horjeeda ee RSF ayaa galay bishii 17-aad, waxayna labada dhinac dileen dad badan oo ay ku jiraan carruur, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday guddigaan oo loo bandhigi doono toddobaadka soo socda Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay.

Labada dhinac ayaa lagu eedeeyay inay ku guul darreysteen inay ilaaliyaan dadka rayidka taas oo keentay in loo baahdo ciidan caalami ah oo dhexdhexaad ah awoodna u leh laalinta rayidka

Maxamed Shandi Cismaan , guddoomiyaha guddigan ayaa sheegay in dagaalka ka socda Suudaan, oo ah waddan weyn oo ku yaal Badda Cas ee waqooyi-bari Afrika, inuu qalqal geli doono xasilloonida wadamo badan oo gobolka ah.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dagaalku joogsan doono marka la hubiyo dowladaha ku lugta leh sii hurinta dagaalka kuwaas oo looga digay inay ka qayb noqdaan dembiyada dagaal ee caalamiga ah iyaga oo hub siinaya dhinacyada dagaalamaya.

Wadahadalladdii uu hogaaminayay Mareykanka ee ka dhacay Switzerland bishii hore ayaa lagu guul darreystay in xabbad joojin looga hirgeliyo Suudaan inkata oo la qaaday tillaabo muhiim u ah arrimaha gargaarka.

Waxaa dib loo furay xadka Suudaan iyo Chad si mucaawino loo gaarsiiyo dadka kusoo barakacay gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan

Shaqaalaha gargaarka caalamiga ah ayaa sheegay in hal waddo oo la furo inaysan ku filneyn in wax laga qabto baaxadda dhibaatada ka jirta dalka Suudaan.

Inkasta oo khasaaraha dhabta ah ee dagaalka Suudaan aan la ogayan , haddana qiyaasuhu waxay muujinayaan in laga yaabo inay ku dhimatay 150,000 oo qof, waxaa sidoo kale ku barakacay in ka badan toban milyan kuwaas oo qaarkood ay u qaxeen dalalka deriska ah, sida lagu sheegay tirokoobyada Qaramada Midoobay.

Dagaalku waxa uu sababay burbur baahsan oo soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, in ka badan afar meelood saddex meel adeegyada xarumaha caafimaadka ayaa maqan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here