Tuesday, July 22, 2025

QM iyo Soomaaliya oo ka dooday hab-raaca xil-wareejinta howlaha caddaaladda

Muqdisho (Dawan) – Qaramada Midoobay oo kaashanaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 21-ka Luulyo qabatay shir heer sare ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo looga dooday Khariidadda Kala-guurka (Transition Roadmap) ee la xiriirta garsoorka, cadaaladda, xabsiyada, iyo laamaha amniga, gaar ahaan booliiska iyo ammaanka badda.

Sida uu sheegay Xafiiska Howlgalka Kaalmaynta Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), shirkan waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Waaxda Qaramada Midoobay ee Sharciga iyo Hay’adaha Amniga (ROLSIG) iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya. Wuxuu qeyb ka yahay wadatashiyo ballaaran oo lagu diyaarinayo wajiga labaad ee kala-guurka howlgalka UNTMIS.

Wajigan labaad ayaa la qorsheeyay inuu socdo laga bilaabo 1-da Nofeembar 2025 illaa 31-ka Oktoobar 2026, iyadoo la raacayo go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2753.

Shirka waxaa ka qeyb galay saraakiil sare oo ka socday Wasaaradda Caddaaladda, Booliiska, Hay’adaha Ammaanka Badda, Maamulka Xabsiyada, iyo khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo qeexi lahaa tallaabooyinka muhiimka ah ee lagama maarmaanka u ah in si habsami leh loogu wareejiyo masuuliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Danjire Yuusuf Garaad, oo ka qeyb galay kulanka, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda hoggaan Soomaaliyeed iyo wada-shaqeynta heer qaran. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay sida shirkan si ballaaran loogu casuumay hay’adaha dowladda iyo la-hawlgalayaal caalami ah.

Nasrin Khan, oo ah madaxa ROLSIG ee UNTMIS, ayaa sheegtay in kulanku yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hay’adaha dowladda Soomaaliya:

“Inta lagu jiro kala-guurka iyo wixii ka dambeeya, yoolka ugu dambeeya wuxuu yahay in Soomaaliya yeelato hannaan cadaalad iyo amni oo adkeysi leh, furan, kana jawaaba baahida dadkeeda,” ayey tiri Khan.

Shirka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay baahiyaha la xiriira horumarinta booliiska, adeegyada garsoorka, ammaanka badda, iyo maamulka xabsiyada. Waxaa la isku raacay in guusha kala-guurka ay ku xiran tahay hoggaan Soomaali ah, taageero joogto ah oo ay bixiso Qaramada Midoobay, iyo habraacyo lagula xisaabtamo hay’adaha fulinaya.

Saraakiisha UNTMIS waxay xaqiijiyeen in shirar dheeraad ah la qaban doono si loo dhammeystiro Khariidadda Kala-guurka loona waafajiyo mudnaanta qaranka iyo heerarka caalamiga ah.

Howlgalka Kaalmaynta Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) wuxuu si rasmi ah u bilaabay shaqadiisa 1-da Nofeembar 2024, isagoo beddelay howlgalka UNSOM oo dhammaaday 31-ka Oktoobar 2024.

UNTMIS waxaa lagu aasaasay go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2753, kaasoo si mideysan loo ansixiyay 30-ka Oktoobar 2024. Howlgalkan ayaa socon doona muddo labo sano ah oo kala-guur ah, ilaa bisha Oktoobar ee sanadka 2026.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here