Geneva, Switzerland – Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan ka muujisay kororka xukunka dilka ee Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay dowladda inay si degdeg ah u joojiso fulinta xukunnadaas. Baaqan ayaa ka yimid Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee QM, Volker Türk, oo Soomaaliya ku daray liiska dalalka ugu sareeya ee fuliyay xukunno dil ah sanadihii u dambeeyay.
Hadalkaas ayuu ka sheegay kalfadhiga 58-aad ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, oo Talaadadii lagu qabtay magaalada Geneva. Volker Türk wuxuu xusay in xukunka dilku khilaafsan yahay sharafta aadanaha iyo xuquuqda nolosha, isagoo xusay in tirada dilalka la fuliyay caalamka ay korortay 31% sannadkii 2023.
Soomaaliya ayaa lagu daray dalalka ugu badan ee fuliyay xukunno dil ah sanadkii hore, waxaana la safan Iiraan, Sacuudiga, iyo Mareykanka, kuwaas oo ah wadamada ugu sarreeya ee ciqaabtaas adeegsada.
“Xukunka dilka waa hab dhaqan aan boos ku lahayn qarniga 21-aad,” ayuu yiri Volker Türk, isaga oo xusay in Qaramada Midoobay ay ka soo horjeeddo nooc kasta oo ciqaabtaasi ah.
Sida ay QM sheegtay, Soomaaliya ayaa fulisay 38 xukun oo dil ah sanadkii 2023, taasoo aad uga badan 11-kii xukun ee la fuliyay sanadkii 2022. Amnesty International ayaa sidoo kale sheegtay in Soomaaliya ay tahay dalka kaliya ee Afrika ee si rasmi ah u fuliyay xukunno dil ah sanadkii hore.
Soomaaliya, oo weli si sharci ah u oggol xukunka dilka, ayaa inta badan ciqaabtan u adeegsata dembiyada argagixisada iyo dilalka tooska ah. Dowladda Soomaaliya ayaa u aragta xukunka dilka mid lagu xakameynayo dembiyada rabshadaha wata iyo falalka xagjirka ah, halka hay’adaha xuquuqda aadanaha ay ku doodayaan in la sameeyo dib-u-habeyn sharciyeed iyo beddelka ciqaabta.
QM oo Ka Walaacsan Xukunka Dilka Carruurta Lagu Fuliyay
Mid ka mid ah walaacyada ugu waaweyn ee QM soo bandhigtay ayaa ah in Soomaaliya ay fulisay xukunno dil ah oo lagu riday dad carruur ahaa xilligii ay dembiyada galeen.
Bishii Agoosto 2024, Puntland ayaa fulisay dilal lagu xukumay afar dhalinyaro ah oo ay maxkamad militari xukuntay, taasoo dhalisay cambaareyn xooggan oo ka timid QM iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha. UNICEF ayaa xukunnadaas ku tilmaantay “ku xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.”
Qaramada Midoobay oo Soomaaliya Ku Cadaadineysa Joojinta Xukunka Dilka
Volker Türk wuxuu xusay in 113 waddan ay gebi ahaanba meesha ka saareen xukunka dilka, halka 129 waddan oo ka tirsan QM ay bishii Diseembar 2024 u codeeyeen joojinta ciqaabtaasi.
Waxaa la xusay in Zimbabwe ay noqotay waddankii ugu dambeeyay ee Afrika tirtiray xukunka dilka, wuxuuna Türk ugu baaqay Soomaaliya inay raacdo dhaq-dhaqaaqan caalamiga ah.