Doha (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar, Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, ayaa maanta la kulmay Madaxweyne Cabdirahmaan Maxamed Cabdillaahi Irro ee Somaliland, oo booqasho rasmi ah ku jooga Qatar.
Kulanka, oo ka dhacay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, ayaa diiradda saaray arrimo badan, gaar ahaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, dadaallada nabadda gobolka, iyo xasilloonida. Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, labada hoggaamiye ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan horumarka Soomaaliya iyo muhiimadda taageeridda dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro nabad waarta iyo xasillooni.
Sheikh Mohammed bin Abdulrahman ayaa mar kale muujiyay taageerada Qatar ee midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, halka Madaxweyne Irro uu adkeeyay in Somaliland ay ka duwan tahay Soomaaliya dhinacyada sharciga, taariikhda, iyo siyaasadda.
Sheikh Mohammed ayaa sheegay in Qatar ay aaminsan tahay mustaqbalka Soomaaliya oo ku dhisan furan iyo wada-shaqeyn hufan, taasoo muhiim u ah ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. “Qatar waxay aaminsan tahay mustaqbalka Soomaaliya, mid lagu garto furfurnaan iyo wada-hadal waxtar leh oo dhex mara dhammaan qaybaha dalka, taasoo xaqiijinaysa dhowrista madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya,” ayuu yiri.
Dhanka kale, Madaxweyne Irro ayaa caddeeyay in Somaliland ay ka duwan tahay Soomaaliya, isagoo sheegay in Somaliland ay go’aan ku gaartay inay ku lug yeelato arrimaha gobolka iyo xal u helidda caqabadaha Geeska Afrika. “Somaliland waa mid gebi ahaanba ka duwan Soomaaliya, waxaana ka go’an in si nabad ah ugu gacan ka geysanno arrimaha gobolka iyo xallinta dhibaatooyinka Geeska Afrika,” ayuu yiri Madaxweyne Irro.
Hadallada labada dhinac kasoo baxay ayaa laga dheehan karaa kala duwanaanshaha mawduuca laga hadlay, iyadoo qoraalka Qatar ay ku muujisay go’aanadeeda taageerada madax-bannaanida Soomaaliya, halka Somaliland ay ku muujisay go’aanadeeda ku aaddan in Soomaaliya ay ka madax-bannaan tahay.
Kulankan wuxuu noqonayaa kulankii ugu horreeyay ee si rasmi ah loo shaaciyay tan iyo booqashada Madaxweyne Irro ee Qatar 28kii Juun 2025.