Gabiley (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa ku dhawaaqay in qiimaha korontada magaalada Gabiley si rasmi ah hoos loogu dhigi doono bisha November ee sanadkaan, isagoo sheegay in tallaabadani qayb ka tahay dadaallada lagu yareynayo culayska nolosha ee shacabka.
Qiimaha korontada halkii watt ayaa markii hore ahaa 0.73, balse waxaa lagu heshiiyay in laga dhigo 0.59 laga bilaabo 1-da November 2025. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha Somaliland ku doonayso in la helo koronto qiimo jaban.
Cirro ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in ay mudnaanta siinayaan in dadku helaan koronto jaban, maadaama bulshada magaalooyinka ku adag tahay nolol aan koronto lahayn. Wuxuu sheegay in aanan maalgelin ku filan la gelin qaybta korontada, balse xukuumaddiisu ay wada hadal la furtay shirkadaha korontada oo laftooda la ildaran kharashka sare ee shidaalka ay ka dhaliyaan tamarta.
“Waxaa naga go’an in muwaadinku helo laydh jaban. Weli dowladdu ma maalgelin sector-kaas, laakiin waxaan wada hadal la galnay shirkadaha laydhka si culayska loo qeybsado. Waxaan u mahad naqayaa shirkadda korontada ee Gabiley oo aan isla gaarnay in qiimaha laydhka laga bilaabo 1-da November 2025 hoos loogu dhigo 0.59,” ayuu yiri Cirro.
Madaxweynaha Somaliland ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Gabiley, halkaas oo uu kulammo kula yeeshay maamulka deegaanka, shacabka iyo shirkadaha bixiya adeegyada aas-aasiga ah, isaga oo mashaariicyo horumarineed ka dhagax dhigay kuwa kale ka xarig jaray.