Labada gobol ee Hirshabeele waxa ay noqdeen kuwa ugu sareeya heerka saboolnimada Goboladda dalka, warbixintii u danbeysay ee ay soo saartay hay’adda tira koobka qaranka Soomaaliyeed, Shabeelada dhexe ayaa noqotay midka ugu sareeya heerka saboolnimada gobolada Soomaaliya 86.6%, halka Hiiraan ee ayana noqotay midka labaaad 81.5%
Hay’adda Tira-koobka Qaranka Soomaaliyeed oo taageero farsamo ka heshay Bangiga Adduunka, ayaa si faahfaahsan u cabirtay heerarka saboolnimada degmooyinka dalka iyadoo la adeegsanayo Fay-Herriot model.
Ujeeddada guud ee warbixintan waa in la helo xog la isku halayn karo oo heer degmo ah si loo hormariyo qorsheynta iyo kormeerka siyaasadaha lagu dhimayo saboolnimada.
Moodelka Fay-Herriot waa farsamo loo isticmaalo qiyaasta degmooyinka, taas oo isku xirta xogta sahanka qoysaska iyo xogaha geospatial-ka ee laga helay ilo kala duwan sida: sawirrada dayax-gacmeedka, cimilada, baaxadda dhirta, iyo wax-soo-saarka beeraha. Sababta loo adeegsaday moodelkan ayaa ah in sahanka 2022 uu yahay mid matalaya heer gobol, laakiin xogta degmooyinka qaar aanay ku filnayn kalsoonida iyo faahfaahinta loo baahan yahay. Habkan ayaa caawiya in laga helo qiyaaso sax ah ee saboolnimada degmo kasta iyadoo la yareynayo khaladaadka tirakoobka tooska ah.
Warbixintu waxay daboolaysaa 48 degmo oo ka mid ah 74 degmo ee Soomaaliya ah. Waxaa la ogaaday in gobollada Shabeelada dhexe, Hiiraan, Bakool, Bay, iyo qaar kale ay yihiin kuwa saboolnimada ugu sareysa, halka gobollada Nugaal iyo qaar ka mid ah gobollada waqooyi ay ka hooseeyaan heerka celceliska saboolnimada.
“Qofka ama familka ama house haldhigga. Markii aysan heli karin cuno ku filan, waxbarasho iyo guri ama degaan, marka qoyska uu waxyaabaha daruuriga nolosha u ah uu waayo waxaan ladhahaa qoyskani wuxuu ku jiraa heer poverty ama wuxuu ku jiraa poverty rate.” Ayuu yiri Bashiir Maxamed Cusmaan
Hirshabeele waa diiday in ay tahay gobolka ugu saboolnimada badan, oo waxa ay ku faaneen in ay yihiin xoolo dhaqato beeraley iyo kaluumeysato, hadaba maxay tahay xiriirka ka dhaxeeyo saboolnimada iyo beeraleyda iyo xoola dhaqatada?
Deegaanada ay ku dhaqan yihiin xoola dhaqatada iyo dadka beerta dalaga waxa ay xiriir toos ah la leeyihiin Saboolnimada, Tusaale isbedelada cimilada sida xaaladaha abaarta iyo fatahaadaha, waxa ay saamneyn ku yeeshaan xoolaha iyo beeraha. Xiliyada ay abaarta dhacdo wax beerashada way yaraataa xoolaha dhaqashadana hoos u dhac ayaa ku yimaada, marka inta ay la egtahay faa’iidada ay heli karaan xiliyada barwaaqada in la eg ayay u jiraan saboolnimada marka abaar ama fatahaado yimaadaan.
“Soomaaliya, oo ah wadan dadkiisu ku tiirsan yihiin beeraha iyo xoolo-dhaqashada, wax soo saarku wuu yaraadaa marka deegaanku uu la kulmo abaaro.
Sidoo kale, xoolaha ayaa baaba’a, taasoo sababto hoos u dhac ku yimaada dakhliga qoyska.
Haddii dakhliga qoyska uu hoos u dhaco, sicir-bararka ama inflation ayaa kor u kaca, taasoo keenta in qoyska aanu iibsan karin cunnadii uu horay u iibsan jiray, maadaama dakhliga qoyska uu yaraaday. Taasi waxay sababtaa saboolnimada.” Ayuu yiri Bashiir Maxamed Cusmaan
warbixintu waxay tusaale cad u tahay sida hababka tirakoobka ee horumarsan looga faa’iideysan karo dalka Soomaaliya si loo horumariyo xog uruurinta, loona gaaro yoolalka horumarineed ee muhiimka ah loogana hortago xaaladaha abaaraha.