Thursday, September 11, 2025
Array

Qodobada ugu waaween Wararka Dunida oo kooban

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa Khamiistii cambaareeyay weerar cirka ah oo Israa’iil ku qaaday magaalada Doha ee dalka Qatar 9-kii Sebteembar 2025. Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Qatar, weerarku wuxuu ka dhacay caasimadda Doha, halkaas oo madax sare oo Xamaas ah ay ku kulamayeen.

Cali Sabiix

Ciidamada ammaanka ee dalka Jabuuti ayaa sheegay in 10-kii September ay ku guuleysteen howlgallo qorshaysan oo lagu qabtay maandooriyaal kala duwan oo si sharci-darro ah gudaha dalka loogu soo geliyay.

Kathmandu

Ciidamada militariga Nepal ayaa  subaxnimadii maanta rasaas ku furay maxaabiis isku dayay inay ka baxsadaan xabsi ku yaalla gobolka Bagmati, iyadoo la sheegay in ugu yaraan 12 ilaa 13 qof dhaawacmeen. Sida uu sheegay Guddoomiyaha  gobolkaasi.

Muqdisho

Soomaaliya ayaa heshay qalab cusub oo loogu talagalay ka hortagga walxaha qarxa ee la farsameeyo (C-IED), kaas oo ay bixisay Boqortooyada Ingiriiska, munaasabad rasmi ahna oo ka dhacday Muqdisho maanta ayaa deeqdan loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda Soomaaliya ee la dagaallanka khatarta miinooyinka qarxa, kuwaas oo weli ah hubka ugu weyn ee ay adeegsadaan Al-Shabaab iyo Daacish lagula wareejiyay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here