Sunday, August 17, 2025
Array

Qodobada ugu waaween Wararka Dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Bakool

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in ciidanka xoogga dalka ay howlgal gaar ah ka fuliyeen gobolka Bakool, halkaas oo ay ku dileen horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Laascaanood

Xildhibaanada cusub ee dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah loo dhaariyay, kaddib markii guddiga hubinta iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka uu ku dhawaaqay liiska rasmiga ah ee xildhibaanada. Tallaabadan ayaa ka dhigan dhismaha buuxa ee golaha sharci-dejinta maamulka, oo muddo xileedkiisu noqon doono 2025–2030.

Carmo

Ku dhowaad 500 askari oo boolis ah ayaa Sabtidii ka qalin jabiyay Kulliyadda Tababarka Booliska ee Carmo ee gobolka Bari, kadib markii ay dhameysteen tababar siddeed bilood ah oo ay taageertay Dowladda Imaaraadka Carabta.

Sanca

Ciidanka Badda Israel ayaa maanta oo Axad ah duqeymo ka fuliyay bartilmaameedyo ay maamulaan Xuutiyiinta gudaha caasimadda Yemen ee Sanca, taas oo ah kor u kac cusub oo ku saabsan dagaalka ka dhashay xaaladda Gaza.

Hargeysa

Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijooyinka imtixaanka fasalka 12 ee dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2024/2025, kuwaas oo muujinaya in inta badan ardaydu si guul ah u gudbeen. Guud ahaan ardayda imtixaanka gashay waxay ahaayeen 15,978, waxaana ka gudbay 15,647, taasoo ka dhigan heer guul oo dhan 97.9%, sida lagu sheegay tirakoobka rasmiga ah ee la shaaciyay maanta oo Axad ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here