Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Muqdisho
Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa ka digay in damaca sii kordhaya ee Itoobiya ee Geeska Afrika uu yahay mid ka tarjumaya “mowqifkeedii taariikheed ee gumaysiga,” taas oo dhalin karta walaac ku saabsan madax-bannaanida Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.
Muqdisho
Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa si adag u beeniyay eedeyn uu jeediyay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, kaas oo sheegay in ku dhowaad nus bilyan doollar oo deeqo caalami ah dib loogu celiyay hay’adaha bixiya sabab la xiriirta fashilka mashaariic horumarineed.
Muqdisho
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu qorsheynayo in uu maamul gaar ah u sameeyo gobolka Gedo, arrin uu ku sheegay mid sii kala fogeyn karta xasiloonida koonfurta dalka.
Muqdisho
Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Dambiyada Sayberka, kaasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda.
Burco
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro,” ayaa Arbacadii ka daah-furay mashaariic horumarineed magaalada Burco, kuwaas Madaxtooyada ku tilmaamtay kuwa oo muujinaya sida Somalialnd ugu heellan tahay dhallinyarada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
Garoowe
Cutubka Hawlgallada La-Dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa ku dhawaaqay arbacaii in ciidamadiisu ay gacanta ku dhigeen goobo muhiim ah oo ay ku dhuumanayeen dagaallamayaasha Daacish, kuwaas oo ku yaalla buuraha Cal Miskaad, gaar ahaan dooxa Baallade.