Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Addis Ababa
Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa soo dhoweeyay saxiixa heshiiska wax-ka-beddelka qaab-dhismeedka doorashada ee Soomaaliya, kaas oo 25-kii Ogoosto lawada galeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo garab siyaasadeed oo ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, oo ah isbahaysiga ugu weyn mucaaradka. Heshiiskan ayaa gogol u dhigaya doorashada madaxweynaha federaalka ee soo socda iyo xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.
Muqdisho
Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay hirgelin doonto nidaamka dal-ku-galka elektaroonigga ah (E-VISA/ETAS) laga bilaabo 1-da Sebteembar 2025, sida ay sheegtay Khamiistii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. Nidaamkan ayaa u oggolaanaya socdaalayaasha shisheeye in ay fiisaha si online ah uga dalbadaan bogga hay’adda.
Muqdisho
Maamulka Gobolka Banaadir (BRA) ayaa Khamiistii dhagax dhigay dayactirka biyo-xireenka Siigaale ee degmada Hodan, mashruuc kaabayaasha magaalada ka tirsan oo lagu yareynayo khatarta fatahaadaha isla markaana lagu horumarinayo caafimaadka bulshada.
UK
In ka badan 280,000 dembi oo ka dhacay England iyo Wales sanadkii hore lama diiwaan gelin, iyadoo dambiyada rabshadaha wata ay yihiin kuwa ugu badan ee aan la soo sheegin, sida lagu sheegay warbixin rasmi ah.