Wednesday, April 16, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Jabuuti

Madaxweynaha Jibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa shalay  rasmi ahaan u furay shirweynaha 2aad ee Cimilada, Cilmi-baarista, iyo Adkeysiga ee Djibouti (2CR2), oo lagu qabtay Hoteelka Ayla.

Muqdisho

Hay’adda La Dagaallanka Maaliyadda Argagixisada (TFTC) ayaa soo saaray liiska 15 xubnood oo xiriir la leh Al-Shabaab oo ka hawlgala Soomaaliya. Xubnahani waxaa ku jira hogaamiyayaal, hawlgalayaal, iyo fududeeyayaasha maaliyadeed ee si toos ah ugu lug leh taageeridda hawlgallada kooxda Al-Shabaab.

Laascaanood

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in Maamulka SSC-Khaatumo uu 25 maxbuus oo ka tirsan Somaliland u soo wareejiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo horey loogu xiray deegaannada SSC-Khaatumo.

Muqdisho

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay xarumaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee degmada Shangaani, halkaas oo si rasmi ah uga Bilaabatay diiwaangelinta Codbixiyaasha  doorashada qof iyo cod ah ee dalka laga qabanayo.

Washington

Safiirka Dowladda Soomaaliya ee Mareykanka, Daahir Xasan, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya ay hadda si buuxda ugu furan tahay sahaminta iyo qodista shidaalka, isagoo si gaar ah u xusay in Dooxada Nugaal ay tahay goob kheyraad hodan ku ah oo diyaar u ah maalgashi caalami ah. Safiir Daahir ayaa ugu baaqay shirkadaha tamarta Mareykanka inay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya gaar ahaan deegaanada SSC-khaatumo si ay uga faa’iideystaan fursadahan dhaqaale.

Muqdisho

Xukuumadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u aqoonsatay SSC-Khaatumo inay tahay dowlad goboleed ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo lagu wado in aqoonsigaas si buuxda loo dhammeystiro kadib shirweyne ay yeeshaan dadka deegaanka iyo sameynta heshiis bulsho (Dastuur).

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here