Tuesday, July 15, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban

Muqdisho:

Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay maanta martigelinaysa kulamada 34-aad ee Golaha Siyaasadda ee Ciidamada Heeganka Bariga Afrika (EASF).

Borama

Amal Bank ayaa ku dhawaaqay iskaashi istiraatiiji ah oo uu la sameeyay Jaamacadda Camuud si loo horumariyo waxbarashada sare, dhalinyarada, iyo maalgelinta cilmi-baarista. Ku dhawaaqista iskaashigan ayaa ku xigtay kulan Isniintii ka dhacay magaalada Borama, gobolka Awdal.

Garoowe: 

Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta si rasmi ah uga qaaday xubinnimada  golaha  Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kadib kulan cod aqlabiyad leh lagu ansixiyay aqbalaadda xil ka qaadistiisa.

Wardheer:

Maamulka gobolka Doollo ayaa si rasmi ah mootoyin iyo agabyo caafimaad ugu wareejiyay xarumaha caafimaadka ee lix degmo oo katirsan gobolka, iyadoo lagu taageerayo adeegyada caafimaadka aasaasiga ah ee meelaha fogfog.

Hargeysa:

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hoggaanka sare ee saddexda xisbi qaran ee Somaliland — WADDANI, KULMIYE, iyo KAAH, iyadoo kulankaasi si cad loogu cambaareeyay waxa lagu tilmaamay faragelin siyaasadeed oo ka imaanaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Jabuuti:

Wasaaradda Waxbarashada iyo Xirfadaha ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa tababar wadaninimo ah ka furtay Dugsiga Milateriga Guuleed, kaas oo loogu talagalay qaar ka mid ah dhalinyarada dalka in lagu baro wadaniyada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here