Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Muqdisho
Ma heli doontid adeeg dowladeed haddii aadan heysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka. Waa amarka la siiyay xarumaha dowladda ee bixiya adeegyada dadweynaha.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in shacabka Soomaaliyeed aysan heli karin adeegyada dowladda haddii aysan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso Hay’adda NIRA.
Muqdisho
Beesha Caalamka ayaa codsatay in si degdeg ah loo qabto madasha madaxweyne Xasan ku dhawaaqay kaa soo ay sheegtay in loo baahanyahay in uu dhex maro Dowladda Federaalka, hoggaamiyeyaasha Dowladaha Xubnaha Federaalka, daneeyayaasha siyaasadeed iyo bulshada.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, oo bayaan soo saaray maanta, ayaa sheegay in loo baahanyahay in dhinacyada Soomaaliya ay qasab tahay inay go’aan ka gaaraan arrimaha muhiimka ah ee siyaasadda qaranka, dastuurka, iyo doorashooyinka si ay u awoodaan inay sii wadaan taageerada Soomaaliya.
Hirshabeele
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in ay si buuxda u la wareegtay gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe. La wareegidda degmada ayaa timid kadib howlgal qorsheysan oo ay ciidamada Dowladda iyo kuwa macawisleyda ah ay ku qaadeen fariisimaha ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka.
Puntland
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay qaabilay Taliyaha Hawlgalada Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Bariga Afrika, Colonel ED Norris, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku tagay magaalada Boosaaso.
Morocco
Somaliya ayaa isku dayi doonta inay guul ku dhammaystirto tartanka ciyaaryahannada da’doodu ka hooseyso 17 sano ee Africa Cup of Nations marka ay la ciyaaraan Senegal kulanka ugu dambeeya ee Group C, oo lagu qabanayo Ben M’Hamed El Abdi Stadium ee El Jadida, Morocco maanta.
Hargeysa
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan muhiim ah xalay ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, George Conway, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay, oo ay ka mid ahaayeen madaxda xafiiska OCHA ee UN-ka.
Jabuuti
Jabuuti ayaa shalay martigelisay kulan hordhac ah oo gogol-xaar u ah shir ballaaran oo caalami ah, kaasoo diiradda lagu saarayo istaraatiijiyadda maalgeshiga gobolka iyo fursadaha dhaqaale ee ka jira gudaha iyo dibadda Jabuuti. Shirkaas oo la magac baxay Djibouti Forum 2025 ayaa si rasmi ah u dhacaya intii u dhaxeysa 6 ilaa 8 Abriil 2025.
DDS
Maamul-goboleedka Dawlada Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa si rasmi ah u xusay maalinta tacadiyada lagula kacay shacabka deegaanka, iyadoo madal si heer sare ah loo soo agaasimay lagu qabtay magaalada Jigjiga ee gobolka Faafan.
Masar
Hoggaamiyeyaasha dalalka Urdun, Masar, iyo Faransiiska ayaa Isniinta shir ugu yeelanaya magaalada Qaahira si ay uga wada hadlaan xaaladda ka taagan Marinka Gaza, xilli ay mar kale billowdeen duqeymo ay Israa’iil ka waddo dhulka Falastiiniyiinta, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Aqalka Boqortooyada Urdun.