Tuesday, June 10, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan la yeeshay ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, isaga oo kala hadlay qorshayaasha wadatashiga qaran iyo tallaabooyinka lagu xasilinayo siyaasadda dalka.

Laascaanood

Dowladda Goboleedka SSC-Khaatumo ayaa si rasmi ah u shaacisay in laga bilaabo maanta la mamnuucay dhoofinta biraha qashinka ah (scrap metals) ee laga dhoofiyo gudaha deegaanadeeda.

Laascaanood

Dowladda Goboleedka SSC-Khaatumo ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay mamnuucidda guud ee soo dejinta, isticmaalka iyo dhoofinta bacaha jilicsan ee deegaanada hoos yimaada maamulkaas.

Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si cad u difaacay go’aanka ciidanka dowladda ee ku aaddan ka bixitaanka furimaha dagaalka, isagoo ku tilmaamay tallaabo xeeladaysan oo ka mid ah istiraatijiyadaha milatari ee la adeegsado marka xaaladuhu isbedelaan.

Washington

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jamhuuriyadda Jabuuti, Ilyas Muse Dawaleh, ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Washington, D.C. mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Bangiga Adduunka iyo hay’ado horumarineed oo caalami ah.

Hargeysa

Bankiga Dhexe ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay in uu si rasmi ah u bilaabay gelinta lacag caddaan ah suuqa sarrifka Somaliland, si loo xasiliyo qiimaha Shilinka Somaliland, loogana hortago sicir-bararka sii kordhaya. Tallaabadan ayaa la bilaabay 6-da Abriil 2025, sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo uu Bankigu soo saaray 22-ka Abriil.

Puntland

Ciidamada Amaanka Puntland ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Doon Ku socotay Dalka Yemen, War qoraal ah, oo  uu baahiyay shalay taliska  Taliska Ciribtirka Argagixisada Puntland ayaa lagu sheegay ,in doontaasi lagu qabtay aaga deegaanka  Bacaad ee Gobolka Bari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here