Wednesday, April 30, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Galmudug

Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, oo booqasho shaqo ku tagay Galmudug, ayaa iftiimiyay xaaladda bini’aadantinimo ee sii kordheysa, isagoo sheegay in in ka badan 600,000 oo qof oo ku sugan Galmudug ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah xilli ay hoos u dhacday taageerada deeqaha.

Muqdisho

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya waxa ay digniin u dirtay dhammaan Xujayda sanadkaan aadeysa gudashada waajibaadka xajka.Digniinta Wasaaradda ayaa sheegaysa in Xujayda Soomaaliyeed ay ka digtoonaadaan shirkadaha iyo shaqsiyaadka sheeganaya inay bixiyaan adeegga xajka, kuwaasoo inta badan aan waafaqsaneyn nidaamka rasmiga ah ee loo maro adeegga xajka.

DDS

Xafiiska Horumarinta Xoolo Dhaqatada ee Dowlad Deegaanka Sooomaalida(DDS) ayaa labo kooxood u kala diray qaar ka mid ah gobollada Deegaanka, si ay uga fuliyaan hawlaha rimay gacmeedka xoolaha iyo qiimaynta xarumaha digaagga ee loo diyaariyay. Kooxda hore ayaa ka shaqeynaysa fulinta rimay gacmeedka xoolaha, halka kooxda labaadna ay u tagtay goobaha la geynayo digaagga si ay u hubiyaan in xarumaha loogu talagalay ay yihiin kuwo ku habboon.

Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyay in ciidamada amniga ee Soomaaliya ay si guul leh u qabteen shixnadaha qaraxyo iyo diyaaradaha duulaya ee ka yimid Yemen.

Jabuuti

Shiinaha iyo Jabuuti waxay isla meel dhigeen horumarinta kheyraadka dabiiciga ah iyo xoojinta xiriirka labada dhinac, gaar ahaan waxsoosaarka cusbada.Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Jabuuti, Yoonis Cali Geedi, oo dhawaan gaaray dalka Shiinaha, ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka shirkadaha Jabuuti ay iskaashiga howleed la leeyihiin ee China.

Boosaaso

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland, Abdirisak Abdulahi Xagaa, ayaa 28kii April kulan la qaatay koox khubaro ah oo ka socday xarunta EDCONS ee dalka Kenya.

Hargeysa

Madaxweynaha Soomaaliland 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨 oo ka hadlayay Shirweynaha Horumarinta Ganacsatada Yaryar iyo kuwa Dhexe ee Somaliland oo ay soo  qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ayaa madaxweynaha ka sheegay in sii deyn maxaa biista ay siin doonaan mudnaan gaar ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here