Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Istanbul
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ku dhawaaqay in markabka sahanka shidaalka ee Oruç Reis uu maraya heerkii ugu dambeeyay ee howlaha sahanka seddex-cabbir ee uu ka wado badda Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah ballaarinta iskaashiga tamarta ee labada dal.
Muqdisho
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xilka ka degaya ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay sababaha dowladda Federaalka Soomaaliya ay u mamnuucday baasaboorka Taiwan, isagoo arrintaasi kaga hadlay xafladdii wareejinta xilka oo maanta ka dhacday Muqdisho.
Muqdisho
Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si lama filaan ah u baajiyay kulankii la filayay inuu qabsoomo maanta oo Sabti ah, sida lagu sheegay warqad rasmi ah oo loo diray xildhibaanada. Kulanka ayaa dib loogu dhigey Isniinta 5 May 2025, lamana shaacin sababta rasmiga ah ee keentay dib u dhaca.
Gabon
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa shalay gaaraycaasimadda dalka Gabon, Libreville, si uu uga qeybgalo xafladda caleema-saarka madaxweynaha cusub ee dalkaasi Brice Clotaire Oligui Nguema, oo dhawaan loo doortay hoggaaminta Gabon.
Puntland
Puntland waxay sheegtay in ey dishay xubno ka tirsanaa Daacish kuwaas oo weerar soo qaaday.
Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa sheegay in xalay xubno ka tirsan Daacish ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ay ciidamada Puntland ku leeyihiin deegaanka Dhasaan Sare ee buuraleyda Calmiskaat.
Somaliland
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirweynihii Nabadaynta Ceel-Afweyn, kaas oo lagu guulaystay in la soo afjaro khilaafyo soo jiitamayay oo u dhexeeyay beelo ku dhaqan gobolka Sanaag.