Monday, May 5, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Hisghabeele

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa si kulul u weeraray Xildhibaan Cusmaan Xaadoole, isagoo ku eedeeyay in uu doonayo in isbaarooyin sharci-darro ah lagu dhigo deegaanada Hirshabeelle.

Jabuuti

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jabuuti ayaa si rasmi ah u shaacisay inay bilaabayso hawlgallo ballaaran oo lagu adkeynayo ammaanka guud ee dalka. Qoraal ay shalay soo saartay Wasaaraddu, ayay shacabka Jabuuti ugu baaqday inay mar walba wataan kaararkooda aqoonsiga, halka dadka ajaanibta ahna lagu wargeliyay inay haystaan dukumentiyada sharciyeynta joogitaankooda marka ay socdaan.

Muqdisho

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa, akhrinta labaad ku marsiiyay Hindise Sharciyeedka ku saabsan dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Jabuuti

Wasiirka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Jabuuti, Mudane Ilyas Moussa Dawaleh, ayaa toddobaadkan kulan ballaaran oo heer sare ah ku qabtay xafiiska Wasaaradda Dhaqaalaha, kaasoo lagu casuumay wakiillo ka socda hay’ado caalami ah sida Bankiga Adduunka, Midowga Yurub, Hay’adda Horumarinta ee Faransiiska (AFD), JICA, iyo Barnaamijka Horumarinta Qaranka ee Qaramada Midoobay (UNDP).

Boosaaso

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari, Cabdiqaadir Jaamac Dirir, ayaa shaaciyay go’aammo lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqa ciidamada hubeysan ee ku sugan magaalada Boosaaso, si loo xoojiyo amniga guud ee magaalada iyo nawaaxigeeda.

Hargeysa

Xisbiga KULMIYE ayaa eedeyn culus u jeediyay xisbiga WADDANI ee talada haya, isagoo ku dhaleeceeyay difaac la’aanta cilaaqaadka Somaliland la leedahay Taiwan, maareyn liidata ee arrinta maxaabiista dagaalka Laascaanood, iyo xadgudubyo lagu hayo xoriyadda saxaafadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here