Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Muqdisho
Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta ka hadlay culeyska fahamka ee nidaamka doorashada qof iyo codka ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku adag tahay in ay si buuxda u fahmaan nidaamkaas.
Addis Ababa
Wafdigii uu hoggaaminayay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif), ayaa ka qeyb galay Shirka Booliiska ee Dalalka Ku Midoobay Ururka Iskaashiga Taliyayaasha Booliska Bariga Afrika, kaas oo shalay ku soo xirmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Muqdisho
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa 4 May la kulmay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, ayagoo ka wada hadlay xiriirka difaaca ee u dhexeeya labada dal iyo sida loo xoojin karo iskaashiga dagaal ee ka dhanka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.
Garoowe
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Puntland, Ilyaas Osman Lugatoor, ayaa 5 May 2025 si cad u sheegay in beesha caalamka aysan wax taageero dhaqaale ah siinin Puntland oo dagaal adag kula jirto kooxda Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari.
Jabuuti
Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Yuunis Cali Geedi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Macdanta ee Itoobiya, Habtamu Tegegn, oo socdaal rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga tamarta ee u dhexeeya labada dal iyo mashaariic istiraatiiji ah oo saameyn ballaaran ku yeelan doona Geeska Afrika.
DDS
Dowladda Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa 5 may si rasmi ah u dhagax dhigtay dhismaha xarunta caafimaadka Rabaso ee degmada Daroor, mashruuc qiimihiisu kor u dhaafayo 37 milyan oo birr, oo u dhiganta qiyaastii 648,000 US dollars.