Saturday, May 31, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Buluugga ah ee Soomaaliya ayaa markale soo saartay digniin culus oo ku wajahan maraakiibta iyo kaluumeysatada ka howlgala badda Soomaaliya, iyadoo ka digtay halista ka dhalata xaaladda cimilada ee xilliga badd xiranka.

Hargaysa

Somaliland ayaa si rasmi ah u bilowday olole tallaal oo ballaaran oo isku dhafan, kaas oo looga hortagayo cudurrada oof-wareenka, jadeecada, iyo dabaysha oo halis weyn ku haya caafimaadka carruurta.

Muqdisho

Roobab sababay daadad ba’an ayaa barakaciyey in ka badan 21,000 qof meelo kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan, kuwaas oo ay ku jiraan Hirshabeelle, Jubbaland, Koonfur Galbeed, iyo Gobolka Banaadir.

Puntland

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Puntland ayaa xukunno ciqaabeed ku riday rag ku eedeeysanaa in lagu soo qabtay iyagoo damacsan qorshayaal qaraxyo ah oo lagu fulin lahaa gudaha Puntland. Raggan ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal amni-darro, kuwaas oo khatar weyn ku ahaa nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Muqdisho

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqay in ay qabteen Shariif Maxamed Axmed kadib markii lagu eedeeyay dilka Cabdifitaax Cabdi Cismaan, oo ahaa ciyaaryahan hore uga soo ciyaaray kubadda cagta qaranka Soomaaliya.

Muqdisho

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Balcad,  ayaa sheegay in madaxda hore ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan madaxweynayaal, guddoomiyayaal baarlamaano, iyo raysulwasaarayaal, ay qeyb muhiim ah ka yihiin gogosha qaran ee uu dhawaaqay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Kenya

Kenya ayaa sheegtay in sii wada shaqeynta Jubaland iyo Somaliland ay la leedahay iyada oo  kala tashaneyso dowladda Soomaaliya, si loo dhiso xiriir iyo joogitaan diblomaasiyadeen.

War qoraal ah oo wasaaradda Arimaha Dibadda Kenya soo saartay ayaa lagu sheegay sida Kenya uga go’an tahay horumarinta iskaashiga labada dal, iyadoo ixtiraamaysa madaxbannaanida Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here