Thursday, June 5, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Jigjiga

Shirweynaha Wadatashiga Bahda Ganacsiga ayaa 30 Maajo 2025 lagu qabtay magaalada Jigjiga, caasimadda Dowlad-Deegaanka Soomaalida (DDS), iyadoo mowduuca looga hadlayay ahaa “Doorka Bahda Ganacsigu Waa Lafdhabarta Barwaaqada Aan Hiigsanayno.”

Nairobi

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM), General Michael Langley, ayaa sheegay in Mareykanka uu kordhiyey dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha jihadiyaadka ee Bariga Afrika, iyagoo taageero ka helaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Jowhar

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee Soomaaliya ayaa maanta buuxisay laba kursi oo Baarlamaanka Federaalka ka bannaaneyd muddo ku dhow labo sano, kuwaas oo deegaan doorashadoodu ay ahayd Hirshabeelle.

Muqdisho

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa 30 May 2025 dirtay 10 gaari oo shixnad gargaar degdeg ah oo raashin ah, u dirtay deegaanka Lambar Konton iyo tuulooyinka ku xeeran, kuwaas oo dhawaan ay ka dhaceen dagaalo.

Nairobi

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay in si rasmi ah xubin uga noqoto Golaha Fulinta ee Hay’adda Qaramada Midoobay ee horumarinta magaalooyin(UN-Habitat).

Mareykanka

Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jabuuti, Maxamed Warsame Diiriyeh, ayaa 29 May 2025 guddoominayay shir ganacsi oo lagu qabtay Djibouti, kaasoo uu soo qabanqaabiyay Guddiga Ganacsiga dalkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here