Thursday, June 5, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay in 15ka Juun 2025 magaalada Muqdisho ay ka furmi doonto Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada, taasoo madaxtooyadu ujeeddada ku sheegtay in lagu abuuro wadahadal dhab ah oo ku dhisan danta guud ee dalka.

Muqdisho

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa shir degdeg ah oo ay maanta isku yimaadeen ku ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane Mahad Maxamed Salaad.

Garowe

Puntland ayaa shaacisay in howlgallo cirka iyo dhulka ah oo wadajir ah ay ku qabsadeen Togga Mirale ee Buuraha Caalmiskaad, taasoo ahayd xarun muhiim ah oo xubno ka tirsan kooxda Daacish ay ku dhuumanayeen.

Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa xoojiyey iskaashiga labada dal ee dhinacyada tamarta, amniga, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Alshabaab, sida lagu xaqiijiyey wada hadal telefoon oo dhexmaray labada hoggaamiye.

Nairobi

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay diiradda saarto danaha qarankeeda, isla markaana faraha kala baxdo arrimaha Somaliland, isaga oo sidoo kale ku boorriyay in ay ka gudubto caqabadaha amni, siyaasadeed iyo midnimada dowlad-goboleedyada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here