Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Muqdisho
Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir waxaa maanta ka bilaabmay imtixaanka Shahaadiga dugsiga dhexe ee 2025, iyadoo in ka badan 41,000 oo arday ah ay u fariisteen imtixaankan, taasoo ka dhigtay tirada ardayda ugu badnayd ee abid ka qeyb gasha imtixaankan.
Muqdisho
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa Saluugnsan gogosha wadatashiga ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo la qorsheeyay in lagu qabto 15-ka Juun 2025.
Puntland
Ciidamada Puntland ayaa shalay ku dhawaaqay in ay gacanta ku dhigeen deegaanno ay ku sugnaayeen dagaallamayaal ka tirsan Daacish ka dib howlgalo cirka iyo dhulka ah oo muddo seddex maalmood socday. Ciidamadu waxay sheegeen inay la wareegeen deegaannada Sadow, Cadalle, iyo Raa-raha oo ka tirsan gobolka Baallade (Calmiskaad).
Shabeellaha Hoose
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan kooxda Danab, ay dileen in ka badan 25 ka tirsan kooxda Al-Shabaab, oo ay ku jiraan saddex horjooge sare, inta lagu guda jiray hawlgalkii milatari ee ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.