Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Muqdisho
Maanta waxaa si rasmi ah gobollada Koonfurta, Bartamaha, iyo deegaannada SSC-Khaatumo uga furmay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee dugsiyada sare Soomaaliya kaas oo ay u fariisteen in ka badan 39,000 oo arday oo ka kala yimid 39 magaalo oo dalka ah.
Jabuuti
Dowladaha Japan iyo Jabuuti ayaa xoojiyey iskaashigooda laba geesoodka ah, gaar ahaan dhanka amniga badda iyo xasilloonida gobolka, kadib kulan heer sare ah oo magaalada Tokyo ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Japan, Takeshi Iwaya, iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Dileita Mohamed Dileita.
Muqdisho
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u qaaday imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare ee beeraha, kaas oo ay u fariisteen ardayda dhiganaysay dugsiyada sare ee xirfadaha beeraha ee dalka.
Tani waa markii ugu horreysay tan iyo burburkii dalka ee la qabto imtixaan qaran oo dugsiga sare ee beeraha ah oo lagu qiimeynayo aqoonta ardayda ku takhasustay wax soo saarka beeraha.
Muqdisho
Iiran ayaa xalay weeraro jawaab celin ah ku qaaday Israa’iil, ka dib markii Israa’iil ay fulisay weerarkeedii ugu ballaarnaa abid ee ka dhan ah Iran, sida ay sheegtay dowladda Israa’iil.
War ka soo baxay ciidamada Israa’iil ayaa lagu sheegay in tobannaan gantaal laga soo riday Iran, kuwaas oo ku socday Israa’iil, iyadoo qaar ka mid ah gantaalladaas la qabtay.
Addis Ababa
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan shirkadda Ethiopian Airlines xarunteeda magaalada Addis Ababa, si ay uga wadahadlaan xoojinta iskaashiga duulista hawada ee u dhexeeya Puntland iyo Itoobiya.