Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Muqdisho
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta dhagax-dhigay Dugsiga Hoose/Dhexe ee Sheekh Cusmaan Xiddig, ee Degmada Gubadleey, oo noqon doona dugsi gaar ah oo loogu talagalay waxbarashada gabdhaha.
Maraykanka
Safiirka Itoobiya u fadhiya Maraykanka, Binalf Andualem, ayaa maanta kulankiisii ugu horeeyay la qaatay Madaxweynaha Maraykanka, Donald J. Trump, ee Aqalka Cad. Kulankan ayaa ah mid muhiim ah, oo loo arko bilowga wadahadallo dhowr ah oo mustaqbalka ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya.
Muqdisho
War-saafadeed oo ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamda xooga dalka gaar ahaan Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamka duqeyn ay ka fuluyeen deegaanka Maqooqaha oo qiyaastii 100KM waqooyi-galbeed kaga beegan magaaladda Kismaayo ay ku dileen ugu yaraan 25 xubnood oo Al-shabaab ah, iyaga oo intaas ku daray in ay jiraan dhaawacyo laga daadgireeyay koobta.
Muqdisho
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa si adag u beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegaya in xubno ka mid ah wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalayay Shirweynaha 113-aad ee Shaqaalaha Adduunka (ILC) ee Geneva ay baxsadeen.
Jabuuti
Jabuuti ayaa 17-kii Juun 2025 shaacisay inay ku natiijooyinka rasmiga ah ee Tirakoobka Saddexaad ee Guud ee Dadka iyo Guryaha (RGPH-3), oo hab digitaal ah, taas oo muujineysa tallaabo weyn oo horumarineed ee ku saabsan casriyeynta maamulka dalka.
Muqdisho
Kulankii Golaha Shacabka ee maanta oo Arbaco ah loo madalsanaa ayaa baaqday kadib markii uu buuxsami waayay kooramkii sharcigu qoondeeyay ee lagama maarmaanka u ah in fadhigu furmo. Kulan-kan ayaa ka mid ahaa kulamada rasmiga ah ee todobaadkan loogu talagalay Golaha Shacabka.
DDS
Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa si rasmi ah u daah-furtay wajiga labaad ee ol’olaha qaran ee #ItoobiyaNadiifah, kaas oo ujeeddadiisu tahay la dagaallanka wasakhowga, horumarinta nadaafadda, iyo ku-dhex-dhiska ilaalinta deegaanka qorshayaasha horumarineed ee mustaqbalka.