Wednesday, June 25, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in helista adeegyada ay bixiso wasaaraddu ay shardi u tahay haysashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA).

Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si rasmi ah u daahfuray dhismayaal ballaaran oo loogu talagalay horumarinta waaxyaha tamarta ee dalka Jabuuti. Dhismayaashan cusub ayaa loogu talagalay inay ku hawlgalaan Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Jabuuti, iyo sidoo kale Shirka Caalamiga ah ee qaabilsan soo dhoofinta shidaalka jabuuti.

DDS

Waxaa si rasmi ah loo dhagax-dhigay mashruuca  cusub ee biyo-gelinta magaalada Awbare, kaas oo ay ku baxeyso dhaqaale ka badan 500 milyan oo Birr.

Munaasabadda dhagax-dhigga mashruucan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS)Mustafe Muxummed Cumar, iyo Wasiirka Xafiiska Biyaha DDS, Injineer Axmed Miraad Layli.

Falastiin

Ugu yaraan 56,077 oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay dagaalka ay Israel ka wado Falastiin tan iyo Oktoobar 2023, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin Talaadadii.

Warbixinta ayaa sheegtay in 79 meyd ah la geeyaya isbitaallada 24-kii saac ee ugu dambeysay, iyadoo 289 qof ay dhaawacmeen, taasoo keentay tirada dhaawacyada inay gaarto 131,848.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here