Tuesday, July 1, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Garissa

Dab xoogan oo ka kacay Suuq Mugdi, suuqa ugu weyn magaalada Garissa, ayaa baabi’yay inta badan Ganacsiyadi suuqa. wuxuuna waxyeello weyn u geystay nolosha ganacsatada badan oo halkaan ay ku tiirsaneed nolol maalmeedkooda. Tani ma aha markii ugu horreysay ee suuqa uu gubto.

Doha

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar, Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, ayaa maanta la kulmay Madaxweyne Cabdirahmaan Maxamed Cabdillaahi Irro ee Somaliland, oo booqasho rasmi ah ku jooga Qatar.

Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dejisay jadwalka dhismaha Dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo Axaddii, kaasoo ay ku tilmaamaysa talaabooyinka muhiimka ah ee lagu xaqiijinayo aqoonsigeeda rasmiga ah.

Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah maanta u dhagax dhigay dhismaha waddo muhiim ah oo isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Degmada Wadajir, taasoo horay u burburtay.

Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Hamza Abdi Barre ayaa si rasmi ah maanta u dhagax dhigay dhismaha Xarunta cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Ah ee ku taalla Muqdisho, taasoo ay ku baxayso dhismaheeda ku dhawaad $3 milyan.

Brussels

Shirkii afaraad ee Kooxda La-Tashiga Caalamiga ee Suudaan ayaa 29 Juunyo 2025 lagu soo gabagabeeyey Brussels, waxaana ka soo qaybgalay wakiillo ka socda Afrika, Yurub, iyo Aasiya, iyo sidoo kale ururo caalami ah iyo iskaashatooyin horumarineed iyo kuwa gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here