Wednesday, July 16, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban

Muqdisho

Soomaaliya ayaa qaaday ololihii ugu ballaarnaa ee tallaalka carruurta abid laga sameeyo dalka, iyadoo in ka badan 7.5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yartahay shan sano la siiyay tallaallo kala duwan oo ka hortagaya cudurrada halista ah sida jadeecada, oof-wareenka iyo dabaysha.

Moqokori

10 Luulyo 2025: Warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay ee Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa lagu sheegay in dagaalladii ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ay sababeen barakaca kumannaan qof, kuwaas oo u qaxay deegaanno ku yaalla degmooyinka Buuloburte, Jalalaqsi iyo Maxaas.

Jabuuti

Wasaaradda Shaqada ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Khamiistii lasoo dhaafay ka daahfurtay Guriga Dadweynaha (Qasriga Shacabka) wejigii ugu dambeeyay ee dib-u-habaynta ballaaran ee shaqaalaha rayidka dowladda. Munaasabaddan oo halku-dheg looga dhigay “Adeegga Dawladda oo Casri ah oo Wax-soo-saar Leh” ayaa isku keenay madax ka tirsan dowladda, xildhibaanno, iyo wakiillo ka socday Midowga Yurub.

Kangema

Magaalada Kangema ee bartamaha Kenya waxaa Jimcihii lagu aasay Boniface Kariuki, oo ahaa nin ganacsade ah oo wadada ku shaqeysta, kaasoo ay boolisku toogteen intii lagu jiray mudaharaadyo dhacay bishii la soo dhaafay.

Malabo

Golaha Fulinta ee Midowga Afrika ayaa ogolaaday in lagu daro $10 milyan oo dheeri ah oo ka yimid Sanduuqa Gurmadka Xasaradaha (CRF) si loo taageero dadaallada nabadgelyada iyo xasilinta Soomaaliya, taasoo ka dhigaysa in guud ahaan lacagta Midowga Afrika u qoondeeyey Soomaaliya sannadka 2025 ay noqoto $20 milyan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here