Tuesday, April 15, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Gudiga Doorashooyinka Qaranka ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray ololaha diiwaan gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Golayaasha deegaanka Banaadir, iyadoo qorshuhu yahay in la bilaabo 15-ka Abriil ee sanadka 2025.

Jabuuti

Dowladda Djibouti waxay xoojineysaa go’aankeeda ku aaddan tamarta cagaaran iyadoo taageero ka helaysa Maareeyayaasha Maalgashiga Cimilada (Climate Fund Managers).

Khamiistii, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah, Yonis Cali Guedi, ayaa ku soo dhaweeyay Jabuuti wafdi ka socda CFM oo kormeeraya waafaqsanaanta caafimaadka, badqabka, iyo deegaanka ee Warshadda Dabaysha Ghoubet oo howlgashay Sebtember 2023.

Muqdisho

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee Soomaaliya (NCA) ayaa si rasmi ah u siisay shati hawleed shirkadda Starlink, taas oo u oggolaanaysa inay si buuxda uga hawlgasho gudaha dalka. Tani waxay calaamad u tahay horumar weyn oo ku aaddan xoojinta isku xirnaanta dijitaalka iyo helitaanka internet tayo leh oo dalka oo dhan gaaraya.

Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay xarunta Madaxtooyada Maamulka SSC-Khaatumo, intii uu ku guda jiray booqashadiisa magaalada Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa habeenkii Sabdiga magaalada Laascaanood kulan la yeeshay Isimada dhaqanka ee deegaannada SSC-Khaatumo. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa midnimada ummadda, nabadda, dib-u-heshiisiinta, iyo xasilloonida guud ee dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here