Thursday, July 24, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Warbixin cusub oo ka soo baxday Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa muujinaysa in dakhliga gudaha ee dalka uu gaaray $369.4 milyan sanadka 2024, taasoo ah koror 12% ah marka loo eego sanadkii hore. Kororkani ayaa waxaa uu ka imaaday kororka canshuuraha dakhliga iyo canshuuraha iibka.

Jabuuti

Turkiga iyo Jabuuti ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis iskaashi milatari ah ka dib Carwada Caalamiga ah ee Warshadaha Difaaca (IDEF) 2025, oo ka dhacday Istanbul Arbacadii. Heshiiskan, oo la magacbaxay Heshiiska Iskaashiga Milatari ee u dhaxeeya Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga iyo Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaa saxiixay Wasiirka Difaaaca Qaranka ee Turkiga, Yasar Guler, iyo dhiggiisa Jabuuti Hassan Omar Mohamed.

Jabuuti

Magaalada Jabuuti Waxaa si rasmi ah uga furmay Taladadii  shirkii 7aad iyo 8aad ee Guddiga Xuquuqda Hantida Fikradaha Afrika (CIPR), kaas oo qeyb ka ah hanaanka lagu dhisayo nidaam mideysan oo Afrika ku yeelaneyso ilaalinta xuquuqda hal-abuurka iyo fikradaha. Shirka ayaa socon doona laga bilaabo 22-ka Luulyo ilaa 2-da Agoosto 2025.

Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaaku eedeysay maamulka Puntland inay ku lug lahayd afduubka markabka SEA WORLD, oo sida ay sheegtay dowladda, waday alaab millateri oo loogu talagalay Xarunta Tababarka Ciidanka TÜRKSOM ee Muqdisho. Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in markabka uu sidday alaabo ganacsi oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, iyadoo ku tilmaamtay falkaasi mid ka dhan ah dastuurka kumeelgaarka ee Soomaaliya.

Muqdiho

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka digtay in cudurka ay Soomaalida u taqaano Kaduudiyaha uu si weyn uga faafay dalalka ku yaal Badweynta Hindiya, iyo kuwa gobolka, sida Soomaaliya. WHO waxay ugu baaqday dalalka ku yaal meelaha ay kaneecada nuuceeda loo yaqaan  Aedes ku badan tahay inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah si loo xakameeyo faafitaanka cudurka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here