Wednesday, July 30, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa bangiyaga dalka ku armay in aysan wax xisaab ah u furin qof aan wadanin kaarka aqoonsiga qaranka ee NIRA. Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in dhammaan bangiyada ganacsiga ee dalka laga doonayo inay hirgeliyaan shuruudaan oo lagu xoojinayo aqoonsiga macaamiisha, laga bilaabo 1-da Sebtembar 2025.

Muqdisho

Shirkadda Hormuud Telecom iyo hay’adda Save the Children Somalia ayaa kala saxiixday heshiis rasmi ah oo iskaashi ah, kaas oo diiradda saaraya horumarinta nolosha carruurta Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, iyada oo la adeegsanayo isku-darka tiknoolajiyadda isgaarsiinta iyo adeegyada bani’aadamnimo.

Garoowe

Golaha Wakiilada Puntland ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay xisaab-xirka sanad maaliyadeedka 2024, ka dib markii guddiga maaliyadda, dhaqaalaha iyo xisaabaadka golaha wakiilada ay soo gudbiyeen warbixin dhameystiran oo ku saabsan miisaaniyadda iyo dhaqaalaha Puntland.

Garoowe

Taliska Howlgallada Ladagaallanka Argagixisada Puntland ayaa sheegay in uu helay god ku yaalla buuraha Calmiskat, gaar ahaan inta u dhaxeysa Lugta Garared iyo Sul Sul, kaasoo ay sheegeen inaya adeegsan jireen kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Muqdisho

Midowga Afrika ayaa si rasmi ah usoo magacaabay El Hadji Ibraahim Diene “Boly” inuu noqdo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

Dooxa

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa xaqiijiyay in khilaafkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya si rasmi ah loo soo afjaray. Hadalkan ayuu ku sheegay wareysi uu si gaar ah u siiyay warbaahinta caalamiga ah ee Al-Araby Al-Jadeed, intii lagu guda jiray booqashadiisa rasmiga ah ee Dooxa, Qatar, kaas oo la baahiyay 26-kii Luulyo 2025.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here