Friday, August 1, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia ayaa Khamiistii kala saxiixday heshiis laba geesood ah oo lagu dhaafayo fiisaha dadka haysta baasaboorrada diblomaasiyadeed iyo kuwa shaqaalaha dowladda. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo fududeynta isu-socodka mas’uuliyiinta labada dal.

Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Masar, Badar Cabulcaadi, ayaa Arbacadii khadka taleefanka kula hadlay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Suudaan, Cumar Siddiiq, iyagoo ka wadahadlay xaaladda colaadeed ee Suudaan iyo dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro xasilooni iyo nabad.

Laascaanood

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u aqoonsatay habeennimadii Arbacada dhismaha Dowlad Goboleed cusub oo lagu magacaabo Waqooyi Bari Soomaaliya, kaddib markii la soo gabagabeeyay shirweyne socday siddeed maalmood oo lagu qabtay magaalada Laascaanood, kaas oo lagu dhameystiray hannaanka maamulka cusub iyo ansixinta dastuurkiisa.

Djibouti

Dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday Heshiiska Xaaladda Ciidamada (Status of Forces Agreement – SoFA), kaas oo saldhig sharci u ah kordhinta iyo joogteynta ciidamada Jabuuti ee ka howlgala gudaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka tirsan Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here