Wednesday, August 6, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Baydhabo

Shirka Qaran ee Gargaarka Bani’aadannimo ee 2025 (CHF) ayaa si rasmi ah uga furmay maanta magaalada Baydhabo, iyadoo ay isugu yimaadeen daneeyayaal gudaha iyo caalami ah si ay uga wada hadlaan baahiyaha gargaarka ee ugu daran ee ka jira Soomaaliya, loogana shaqeeyo hannaan isku-dhafan oo ay Soomaalidu hormuud u tahay.

Muqdisho

Dugsiyada Hay’adda Maarif Foundation ee Turkiga ayaa noqday dugsiyadii ugu horreeyay ee laga aqoonsado si rasmi ah gudaha Soomaaliya, kaddib markii ay heleen aqoonsiga caalamiga ah ee OxfordAQA, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho maanta oo Arbaco ah.

Muqdisho

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in laga bilaabo 1-da January 2026, dhammaan dadka safar ku mara gudaha dalka laga doonayo inay haystaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA), si loo xaqiijiyo xogtooda shaqsiga ah.

Muqdisho

Hoggaanka Howlgalka Midowga Afrika ee Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa Talaadadii magaalada Muqdisho kulan kula qaatay danjireyaal iyo wakiillo ka socday waddamada ciidanka iyo booliiska ka wada jooga gudaha Soomaaliya.

Kigali

Dowladda Rwanda ayaa sheegtay in ay ogolaatay inay aqbasho illaa 250 muhaajiriin ah oo laga masaafuriyay Maraykanka, taasoo ka dhigeysa dalka saddexaad ee Afrika ah oo oggolaaday inuu martigeliyo dad laga saaray Maraykanka, kadib Eswatini iyo Koonfurta Suudaan.

Muqdisho

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in ciidankeeda gaarka ah ee Gaashaan ay Talaadadii fuliyeen howlgal militari oo ka dhacay deegaanka Cumar Beere ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu dilay shan xubnood oo ay ku sheegtay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, islamarkaana lagu burburiyay xarumo ay kooxdaasi ku lahayd halkaasi.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here