Thursday, August 14, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray safaaradda cusub ee Soomaaliya ee magaalada Aljeers, taasoo calaamad u ah xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Muqdisho

Hay’adaha mas’uulka ka ah dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay latashiyo ku saabsan wax ka bedelka cutubyada 10-15 ee Dastuurka. Latashyadaan oo laba maalmood soconaya waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Hay’adda Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (ICRIC), Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, iyo Guddiga Kormeerka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Beled-Xaawo

Dagaal aroornimadii hore  ee maanta ka dhacay  tuulada “tuulo Aamiin“ee degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sababay dhimashada Taliye Ku-xigeenkii Ciidanka Booliska Jubbaland, Xuseen Wali Cali (Xuseen Giif), sida ay xaqiijisay Jubbaland.

Xudur

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa sheegaya in ay dileen hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, Cabdullaahi Abuukar Cali, kaddib howlgal milatari oo ka dhacay Axaddii meel 30 km waqooyi ka xigta magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Aljeeriya

Dowladda Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa kala saxiixday saddex heshiis oo lagu dhisayo guddi wadajir ah oo dowladeed, iyo barnaamijyo lagu horumarinayo tababarka diblumaasiyiinta Soomaaliyeed.

Uganda

Koonfurta Suudaan iyo Uganda ayaa ku heshiiyay in ay sameeyaan guddi wadajir ah oo baaris ku sameeya dagaalladii xadka ee sababay dhimashada lix qof. Go’aankan ayaa yimid ka dib  kulan dhexmaray taliyaha ciidanka Uganda, Gen. Muhoozi Kainerugaba iyo dhiggiisa Koonfurta Suudaan, Gen. Dau Aturjong Nyuol, oo ka dhacay caasimadda Koonfurta Suudaan ee Juba, Sabtidii.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here