Muqdisho
Midowga Yurub (EU) ayaa ku dhawaaqay qiyaastii $238,000 oo gargaar degdeg ah si loo taageero ka jawaabista cudurka gowracatada (Diphtheria) ee Soomaaliya, iyadoo xoogga la saarayo Puntland. Gargaarkan ayaa lagu fulin doonaa muddo lix bilood ah, waxaana hirgelin doona Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS).
Türkiye
Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdogan, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in waddanku yeesho nidaam difaac cirka oo gudaha lagu sameeyo, gaar ahaan iyadoo la wajahayo caqabadaha amni ee hadda jira.
Suudaan
Ugu yaraan 600,000 oo qof, oo kala bar ay carruur ah, ayaa laga barakiciyay magaalada El-Fasher, caasimadda Waqooyiga Darfur ee galbeedka Suudaan, bilooyinkii u dambeeyay, iyada oo uu go’doon ku hayo ciidamada gaarka ah ee Rapid Support Forces (RSF), sida ay sheegtay hay’adda carruurta ee Qaramada Midoobay UNICEF Arbacadii.
Jigjiga
Masuuliyiin ka socday Somaliland oo uu hoggaaminayo Duqa Magaalada Hargeysa, Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa gaaray duleedka magaalada Tog-Wajaale, xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.