By Abukar Osman
Carta, Jabuuti (Somalia News)
Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, ayaa soo dhoweeyey saraakiisha Akadeemiyada Ciidamada Qalabka Sida (AMIA) ee gobolka Carta. Kulankan, oo qayb ka ah barnaamijka tababarka saraakiisha mustaqbalka ee ciidamada, ayaa diiradda lagu saaray kaalinta xukuumadda Jabuuti ee horumarinta iyo taageerada ciidamada qalabka sida.
Ra’iisul Wasaaraha waxa uu si gaar ah u bogaadiyey Agaasimaha Guud ee Dugsiga AMIA iyo saraakiisha akadeemiyada, isagoo xusay doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaarayaan kobcinta iyo tayeynta ciidamada qaranka. Waxa uu saraakiisha kula dardaarmay inay adkeeyaan waddaniyadda ayna ka shaqeeyaan difaaca iyo danta qaranka, si ay uga mid noqdaan hormuudka ammaanka iyo difaaca Jabuuti.
Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa lagu lafa-guray arrimo la xiriira caqabadaha amni ee gobolka iyo doorka ciidamada qalabka sida ee suurtagalinta xasilloonida. Saraakiisha akadeemiyada ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha aragtiyadooda ku aaddan sidii loo horumarin lahaa nidaamka tababarka iyo tayeynta ciidamada mustaqbalka.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Cabdiqaadir Kaamil ayaa u hambalyeeyey dafcadda saddexaad ee ka qalinjabisay Dugsiga AMIA, waxa uuna caddeeyey sida ay dowladda Jabuuti uga go’an tahay kobcinta xirfadda iyo tayada saraakiisha ciidamada, taasoo qeyb ka ah dadaalka lagu xoojinayo amniga iyo difaaca dalka.