Mogadishu (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa u ambabaxay Shiinaha si uu uga qayb galo Shirka 7aad ee China-Arab States Expo, oo ka dhici doona magaalada Yinchuan, intau dhaxeysa 28-ka ilaa 31-ka Agoosto 2025. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, shirkan ayaa fursad u ah Soomaaliya si ay u xoojiso xiriirka dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda ee Shiinaha iyo dunida Carabta.
“Shirka ayaa fursad muhiim ah u ah Soomaaliya in ay ka qayb qaadato horumarinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo dunida Carabta,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Shirkan, oo lagu qaban doono Xarunta Caalamiga ah ee Bandhigga ee Yinchuan, ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga dhaqaalaha, horumarinta tiknoolojiyadda, iyo xalalka tamarta nadiifta ah.
Si kastaba ha ahaatee, ka-qaybgalka Ra’iisul Wasaare Xamse ee shirkan heer wasiiro ah ayaa dhaliyay su’aalo, maadaama aysan ka soo qeyb-galin madax sare oo caalami ah sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarayaal.
Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli Senatoorrada Mareykanka ay si cad ugu riixayaan aqoonsiga Somaliland, iyo sidoo kale sii xoogeesashada xiriirka Taiwan iyo Somaliland ee diidmada Shiinaha ee arrintaas.