Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo xasilloonida gobolka.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, madaxda ayaa sidoo kale ku adkeystay in la adkeeyo walaalnimada iyo xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya shacabka Soomaaliya iyo Jabuuti.
Xafiiska ayaa sheegaty in ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xukuumaddiisu, DanQaran, ay gaartay horumar la taaban karo dhinacyada horumarinta, amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, iyo dhismaha dowladnimada, taasoo lagu gaaray iskaashi wax ku ool ah oo lala yeeshay hay’adaha kala duwan ee dowladda.
“Waxa uu uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay si joogto ah uga taageeraan Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska.
Xafiiska ayaa intaas ku daray in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu xaqiijiyay sida dowladdiisu iyo shacabka Jabuuti ay u sii wadi doonaan taageerada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliya, isagoo sidoo kale soo bandhigay dadaalka ay ku bixiyaan nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka. Kulankaan ayaa qayb ka ah booqasho shaqo oo 72 saacadood ah oo shalay bilaabatay taas uu Ra’iisul Wasaaraha Xamse ku joogayo dalka Jabuuti, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jabuuti.