Laascaanood, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay xarunta Madaxtooyada Maamulka SSC-Khaatumo, intii uu ku guda jiray booqashadiisa magaalada Laascaanood.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysukwasaaraha ,dhagax-dhiggan ayaa qeyb ka ah siddeed mashruuc horumarineed oo ay dowladda Federaalka ka fulinayso magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada maamulka SSC-Khaatumo.
Munaasabadda waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), iyo xubno sare oo ka tirsan dowladda Federaalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in mashaariicdan ay qayb weyn ka qaadan doonaan dib u dhiska deegaannada, kor u qaadidda adeegyada bulshada, iyo xoojinta xasilloonida.
“Waxaan farxad gaar ah u arkaa inaan maanta dhagax-dhigno xarumo dowladeed oo muhiim ah oo si toos ah ugu adeegi doona shacabka. Dowladda Federaalka waxay sii wadi doontaa mashaariic horumarineed oo kale si loo xaqiijiyo horumarka deegaannada SSC-Khaatumo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Mashaariicda la dhagax dhigay waxaa ka mid ah:
- Madaxtooyada Maamulka SSC-Khaatumo
- Xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Laascaanood (NIRA)
- Xarunta Taliska Booliska SSC-Khaatumo
- Xarunta Farsamada Gacanta ee Sayid Maxamed
- Wadada laamiga ah ee isku xirta Samakaab iyo Buuhoodle
- Xafiisyo dowladeed oo cusub oo maamulka SSC-Khaatumo ka shaqeyn doono
- Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah (SODMA)
- Isbitaalka Dowladda ee SSC-Khaatumo (State House Hospital)
Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku suganyahy Laascaanood kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiinta maamulka SSC-Khaatumo,iyo odayaasha dhaqanka , si uu u dhegaysto baahiyahooda, ugana wada hadlaan qorsheyaasha horumarineed ee lagu gaari karo dowladnimo buuxda.