Jabuuti (Dawan) – Kadib bilo abaaro ah, roobab culus ayaa galabnimadii isniinta ka curtay caasimadda Jabuuti iyo gobollo badan oo dalka ka mid ah, kuwaas oo saameyn kala duwan yeeshay.
Roobabka ayaa si xooggan uga da’ay degmooyinka caasimadda iyo gobollada Ubukh, Tadjourah, Dikhil, Ali Sabieh iyo Arta.
Sida uu baahiyaya telifishinka dalka jabuuti Daadadkii ka dhashay roobkaas ayaa xanibay waddooyin muhiim ah, iyadoo hakad ku yimid socodkii dadka iyo gaadiidka ee xaafadaha qaar.
Hay’adda jamhuuriyada jabuuti ee dhanka Nadaafadda (ONEAD) ayaa si degdeg ah u bilaabay hawlgallo lagu daad-gureynayo biyaha roobka ee fadhiya xaafadaha iyo waddooyinka. ONEAD ayaa sheegay in qashinka lagu shubo bullaacadaha uu sabab weyn kulahaa daadadka, taasoo sababtay in dhuumaha biya mareenada ee magaalada ay xirmaan.
“Inta muwaadiniintu aanay raacin xeerarka nadaafadda aasaasiga ah, waxaa naloo xukumi doonaa inaan mar kasta ku celcelinno hawlgalladan degdegga ah,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ONEAD.
Hawlgalka waxaa ka mid ahaa saarista qashinka biyo mareenada xiray, yareynta khataraha daadadka iyo hubinta in isku socodka wadooyinka dib loo furo.
Roobabka ka curtya gobolada waqooyi, koonfur iyo caasimada jabuuti ayaa yimid xilli Jabuuti uu la daalaa dhacayay abaaro saamayn ku yeeshay dadka reer guuraaga ah iyo qaxootiga ku nool dalka.