Muqdisho (Dawan TV) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu qorsheynayo in uu maamul gaar ah u sameeyo gobolka Gedo, arrin uu ku sheegay mid sii kala fogeyn karta xasilloonida koonfurta dalka.
Rooble ayaa sheegay in aysan ahayn markii ugu horreysay ee qorshahan la isku dayo, isaga oo xusay in Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu hore u isku dayay in uu Gedo ka dhiso maamul kale, balse isaga (Rooble) uu ka hor istaagay.
“Madaxweynaha wuxuu rabaa inuu maamul gaar ah u dhiso Gedo, arrintaas waxaa hore u isku dayay Farmaajo balse anigaa ka hor istaagay,” ayuu yiri Rooble.
Rooble ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha uu hore u sheegay inta uu dalka hoggaaminayo in uusan marnaba heshiis la galin doonin Jubbaland iyo Puntland, isaga oo taas ku tilmaamay mid dadka sii kala dhantaalaysa.
Gobolka Gedo waxaa ka socda dagaal u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedka Jubbaland, iyada oo dagaallo khasaare nafeed geystay ay halkaas ka dhaceen muddooyinkii u dambeeyay.
Gobolka Gedo ayaa muddo dheer saldhig u ahaa is-qabqabsi u dhexeeya dowladda dhexe iyo hoggaanka Jubbaland, iyadoo labada dhinacba ay ku loolamayaan xukunka gobolka xadka ku yaalla, kaas oo muhiimad weyn u leh siyaasadda iyo amniga dalka.