Thursday, April 17, 2025
Array

Saameynta Canshuuraha Trump ee Suuqyada Caalamiga ah iyo Qiimaha Saliida

Markii Donald Trump uu xilka la wareegay 20-kii Janaayo, istaraatijiyadda ganacsi ee Mareykanka waxay is badashay iyadoo Trump ballanqaaday inuu hoos u dhigi doono qiimaha badeecadaha gudaha . Laakiin qorshihiisa ayuu ka bilaabay  in canshuuraha uu korodhiyo, taasoo saameyn ku yeelatay ganacsiga caalamiga ah.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaaku dhawaaqay canshuuro cusub oo u dhexeeya 10% ilaa 50%, wadamo badan oo caalamka ah ku waas oo wax u soo dhoofiya mareykanak  iyadoo si gaar ah  104% lagu soo rogay badeecadaha Shiinaha xillagaan. Tani waxay keentay walaac ku saabsan suurtagalnimada dagaal ganacsi oo caalami ah. ​

Canshuurahan uu soo rogay Trump ayaa ah canshuuraha ay dowladdu saarto alaabada iyo adeegyada laga keeno wadamada kale taasoo ujeedada tahay in qiimaha alaabtaas uu kordho, taasoo ka dhigaysa inay noqoto mid aan soo jiidasho lahayn macaamiisha, iyada oo lagu dhiirrigelinayo in la iibsado alaabta gudaha laga soo saaro.

Tusaale ahaan, haddii dal uu canshuur 10% ku soo rogo taleefannada la keeno, taleefan qiimihiisu yahay $500 waxa aku siyaadeysa canshuur dheeri ah oo $50 ah, taasoo ka dhigaysa qiimaha taleefanka inuu kordho iyado taleefannada gudaha laga soo saaro aysan $50 ku kordheen.

Canshuurahan Mareykanak ayaa durba sababay hoos u dhac weyn oo ku yimid suuqyada saamiyada adduunka. Tusaale ahaan, Nikkei 225 ee Japan ayaa hoos u dhacay 7.7%, halka Hang Seng ee Hong Kong uu hoos u dhacay 13.2%. ​

Qiimaha saliida ayaa sidoo kale hoos u dhacay, iyadoo gaartay heerkii ugu hooseeyay tan iyo Febraayo 2021.

Dalalka sida Shiinaha, Midowga Yurub, iyo Kanada ayaa kaga jawaabay canshuurahan kuwa kale oo la mid iyagoo ay qorsheynayaan inay soo rogaan canshuuro is-daba jooga ah oo kale.Tani waxay keeni kartaa kacdoon qiimeed iyo carqaladeyn ku timaadda silsiladaha sahayda caalamiga ah. ​

Haddii canshuurahan la sii wado, waxaa falanqeeyayaasha ganacsiga sheegeen in suuragal tahay  in dhaqaalaha adduunka uu hoos u dhaco, iyadoo la filayo hoos u dhac ku yimaada wax soo saarka iyo inay sababto shaqo la’aan. Maalgashadayaasha Caalamka ayaa sidoo kale ka walaacsan saameynta ay canshuurahan ku yeelan karaan dakhliga iyo qiimaha hantida. ​

Canshuurahan  ayaa sidoo kale sababay in bangiyada dhexe caalamak ay dib u eegaan saadaasha dhaqaalaha, taasoo saameyn ku yeelatay aragtida dhaqaale ee caalamiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here