Thursday, July 3, 2025

Saamiga Garoonka Cusub Diyaaradaha ee Muqdisho oo Daaha laga rogay

Muqdisho (Dawan) – Shirkadda Qaranka ee Horumarinta Muqdisho (NMDC) ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqday furitaanka saami-qeybsiga ee mashruuca cusub ee Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho, kaddib markii la soo gaba-gabeeyay diyaarinta muhiimka ah ee dhinacyada sharciga, maaliyadda, iyo maamulka.

Sida ay ku sheegtay cusboonaysiinta maal-galiyeyaasha ee NMDC ee Luulyo 2025, shirkaddu waxay dhammeystirtay qaab-dhismeedka sharciyeed, maamulka, qorsheynta maaliyadeed, iyo maaraynta khatarta. Haatan, shirkaddu waxay diyaar u tahay inay soo saarto warqadda saamiyada si ay maal-gashadayaasha u siiso macluumaadka muhiimka ah.

Qiimaha saamiyada ayaa lagu dhigay $35.52 halkii saami, waxaana la qorsheeyay in la bixiyo saami xaddidan. Sarrifka saamiyada ayaa loogu talagalay in lagu ururiyo lacagaha lagu taageerayo horumarinta iyo ballaarinta garoonka.

Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho, oo ay ku baxeyso $643.44 milyan, ayaa la filayaa inuu qaado 5 milyan oo rakaab ah iyo 130,000 oo duullimaad sanadkiiba. Tallaabadani ayaa loo arkaa inay tahay horumar ka socda dhinaca kaabayaasha Soomaaliya, iyadoo garoonka cusub uu noqon doono qeyb muhiim ah oo ka mid ah kobcinta dhaqaalaha dalka, ganacsiga gobolka, iyo horumarinta dalxiiska.

Sidoo kale, qorshahan wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Mohamud, uu 29-kii Juun 2025 si rasmi ah u dhigay aasaaska Garoonka Diyaaradaha cusub ee Muqdisho, kaasoo ku yaal aagga Maahaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Garoonka cusub ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo ku wajahan sidii loo xallin lahaa culeyska ka haya Garoonka Diyaaradaha Aden Adde ee hadda, isla markaana loo horumarin lahaa adeegyada rakaabka iyo rarista.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here