Muqdisho – 07 Juun 2025: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in saddex horjooge oo sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan, taariikhdu markay ahayd 6-da Juun 2025.
Howlgalka ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidamada deegaanka, iyo saaxiibada caalamiga ah.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ka hadlay howlgalka, ayaa sheegay in uu bartilmaameedkiisu ahaa horjoogayaal sare oo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab. Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in saddex horjooge lagu dilay howlgalka, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay:
- Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule): Sida laga soo xigtay wasiirka, Nuunuule ayaa ahaa horjoogaha Al-Shabaab u qaabilsanaa gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Mudug, iyo Galgaduud. Waxa uu ku geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerarka. Wasiirka ayaa intaas ku daray in dowladda ay si dhow ula socotay dhaqdhaqaaqiisa, iyadoo xogtu muujinaysay in isaga iyo xubno kale ay maalmo kahor soo gaareen deegaanka Ceelhareeri.
- Horjooge Caddaw: Waxaa la sheegay in uu ka tirsanaa xubnaha kooxda ee ku sugan gobolka Galgaduud, isagoo mas’uul ka ahaa howlaha dabagalka ee gudaha jabhadda Al-Shabaab.
- Macallin Cumar: Sida ay sheegtay dowladda, Cumar wuxuu door weyn ku lahaa tababarka iyo marin-habaabinta xubnaha cusub ee kooxda.
Warbixin ka soo baxday dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalka lagu dilay laba horjooge oo kale, taas oo tirada guud ee horjoogeyaasha la dilay ka dhigaysa shan. Xubnahan ayaa lagu eedeeyay inay si toos ah ugu lug lahaayeen abaabulka Al-Shabaab ee ka socday gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda maleeshiyaadka dhaawacmay, kuwaas oo la rumeysan yahay in kooxda isku dayayso inay ka daadgureyso goobihii dagaalku ka dhacay.
Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa si joogto ah uga socda meelo badan oo dalka ah, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay xoojineyso dadaallada amni ee ka socda gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.