Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray safaaradda cusub ee Soomaaliya ee magaalada Aljeers, taasoo calaamad u ah xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.
Munaasabadda furitaanka oo ka dhacday maanta xarunta safaaradda cusub ee caasimadda Aljeers, waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socday dowladda Aljeeriya, oo uu ka mid tahay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, Salma Bakhta Mansouri, iyo xubno ka tirsan diblomaasiyiinta caalamiga ah, kuwaasoo uu hogaaminayay Safiirka Soomaaliya ee Aljeeriya, Mudane Yuusuf Axmed Xasan “Jeego.”
Booqashada rasmi ah ee Wasiir Cabdisalaam ee Aljeeriya, , ayaa qeyb ka ahayd dadaalka labada dal ee lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah. Aljeeriya waxay Soomaaliya ka taageertay arrimaha siyaasadda iyo amniga ee caalamka, gaar ahaan fadhiyada ay ka qaybqaadato ee ururada caalamiga ah sida Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika.
Furitaanka safaaradda cusub ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo joogitaanka Soomaaliya ee caalamka iyo kobcinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya la leedahay qaaradda Afrika.