Thursday, April 17, 2025
Array

Safarka Xamse iyo Xudunta Khilaafka SSC-Khaatumo, Somaliland iyo Puntland.

Ku dhawaad hal sano iyo bar kadib tan iyo markii  Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah u aqoonsatay maamulka SSC-Khaatumo inuu yahay mid ka madax bannaan Puntland iyo Somaliland, Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu booqan doono magaalada Laascaanood – taasoo dhalisay falcelinno badan, hadal-heyn siyaasadeed, iyo su’aalo ku saabsan micnaha iyo saameynta safarkiisabee siyaasadda Soomalaiya.

Raysul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa 6-dii Abriil 2025 xaqiijiyay in uu booqan doono magaalada Laascaanood, isagoo sheegay in ujeedada booqashadiisu tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka maamulka SSC Khaatumo iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. “Waxaan cadeenayaa inaan diyaar u nahay inaan soo aragno dadka sharafta leh ee SSC Khaatumo, waxaan diyaar u nahay inaan la soo noolaanno,” ayuu yiri Raysul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Safarka Xamse haddii uu rumoobo, wuxuu noqonayaa masuulkii ugu sarreeyay ee xukuumadda Soomaaliya booqda Laascaanood tan iyo booqashadii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre 1980-meeyadii. Laascaanood sidoo kale waa magaalada lagu dilay madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke, 15-kii Oktoobar 1969-kii.

Marka laga soo tago taariikhda magaalada, hadda magaalada waxa ay wajaheysaa xiisado dheeraad ah, iyada oo ay jiraan caqabado siyaasadeed. Magaaladu waxa ay ku hardamaysaa dhinaca siyaasadda ee kala ah maamulka ku-meel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, oo ay dowladda Soomaaliya aqoonsatay, iyo Puntland iyo Somaliland.

Laacaanood ayaa ah caasimadda SSC Khaatumo, oo ah maamul ku meel gaar ah oo ka kooban Gobollada Sool, Sanaag, iyo Ceyn, kaas oo aqoonsi ka helay Dowladda Federaalka Soomaaliya bishii Oktoobar 2023, markii Isimmada deegaannadaas ay ku dhawaaqeen in ay yihiin maamul gooni u taagan oo ka madax banaan Puntland iyo Somaliland, balse hoostagaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka SSC Khaatumo wuxuu horay u sheegay in uu diyaar u yahay soo dhoweynta Raysul Wasaare Xamse, wuxuuna caddeeyay in dadka ku nool SSC ay aad ugu faraxsan yihiin booqashadan.

Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka ee Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa sheegay, “Waxaan ku dhawaaqayaa in umadda ku nool SSC-Khaatumo ay aad ugu faraxsan yihiin, una diyaar garoobayaan, kuna talagaleen imaanshaha Raysul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.”

Dhinaca Somaliland, booqashada Raysul Wasaaraha ee Laascaanood waxaa loo arkaa mid daandaanshi ah, colaad abuur ah, iyo xadgudub ku ah Somaliland. Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed-Yaasiin Cali, ayaa sheegay in Somaliland ay difaaci doonto qaranimadeeda, wax kasto oo ay ku qaadato

“Hadalka ka soo yeeray Raysul Wasaaraha dalka Soomaaliya ee booqashada Laascaanood ee Somaliland waxaan u aragnaa hadal xadgudub ah, daandaansi ah, xasarad abuur ah iyo colaad abuur ah.”ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed-Yaasiin Cali.

Booqashadan oo aan waqtigeeda rasmiga ah la shaacin, haddana maamulka SSC Khaatumo ayaa horay u sheegay in uu isku diyaarinayo inuu noqdo dowlad goboleed rasmi ah markii laba sano ay u buuxsanto, isagoo soo buuxinaya shuruudaha Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, SSC Khaatumo ayaa ku jirta meelaha ay dowladda Soomaaliya sheegtay inay ka qabaneyso doorashooyinka qof iyo codka, taas oo ay si joogto ah uga hadashay.

Dad badani waxa ay qabaan in  waa in haddii ay dhacdo booqashadani , ay saameyn weyn ku yeelan kartaa siyaasadda Soomaaliya, iyadoo loo arko in ay keeni doonto isbeddel siyaasadeed oo waaweyn.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here