Muqdisho (Dawan ) – Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Suleiman Dedefo ayaa si adag uga hadlay mowqifka Jaamacadda Carabta ee ku aaddan qorshayaasha Itoobiya ee biyaha Webiga Niil, isagoo su’aalay in Jaamacaddu ay matasho dhammaan dalalka Carabta ama u adeegto danaha Masar kaliya.
Safiirka ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa X Axaddii a in ay muran gelinayso in Jaamacaddu si joogto ah uga hadasho qorshayaasha Itoobiya ee isticmaalka biyaha, isla markaana aysan wax ka qaban dhibaatooyinka amni-darrada, kala-qaybsanaanta siyaasadeed, barakaca, iyo gaajada ka jirta dalalka xubnaha ka ah oo uu shaagya inay la ildaran yihiin dagaallada.
“Ma tahay “Jaamacadda Carabta” runtii Jaamacadda Dalalka Carabta, mise waa Jaamacadda fulisa siyaasadda Masar ee ka dhan ah Itoobiya?” ayuu yiri safiirka, isaga oo intaa ku daray in aysan caddeynin saldhig sharci ama mid anshaxeed oo Jaamacaddu ku amari karto Itoobiya inay dalbato ogolaansho ku aaddan kheyraadkeeda dabiiciga ah.
Safiirka Itoobiya ayaa ku adkeeyay in Addis Ababa ay sii wadi doonto mashaariicdeeda horumarineed ee qaran iyadoo raacaysa sharciga caalamiga ah iyo xuquuqda madaxbannaanida.
“Jaamacaddu si xun ayey u muujisay inaysan wakiil ka ahayn inta kale ee dalalka Carabta.” ayuu yiri, isagoo tilmaamay in Itoobiya ay ka go’an tahay horumarinta mashaariicdeeda qaran.
Dhaliishan ayaa soo baxday iyadoo shirkii 164-aad ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta lagu qabtay Qaahira 5-tii Sebteembar lagu adkeeyay baahida heshiis sharciyan waajib ah oo ku saabsan buuxinta iyo hawlgelinta Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD).
Sida ay qortay Egypt Today, wasiirradu waxay sheegeen in heshiiskaasi lagama maarmaan u yahay ilaalinta xuquuqda biyaha Masar iyo Suudaan, iyagoo diiday tallaabo kasta oo keli ahaaneed oo Itoobiya qaaddo.
Hadalka safiirka Itoobiya ayaa yimid iyadoo Addis Ababa ay ku dhowdahay inay si rasmi ah u daahfurto Biyo-xireenka Guba, mashruuc ay hore ugu dhawaaqday dhammeystirkiisa, balse weli ay ka soo horjeedo Masar.