Xirfadu waa furaha nolosha Qarnigan, Dowlad deegaanka Soomaalida waxa ay heysaa wado ay sare ugu qaadeyso barahada xirfadaha, in ka badan 800 oo arday ayaa ka qalin jabisay kuliyadda xirfadaha kala duwan ee Suldaan Cabdullahi Suldaan Bade ee magaalada godey ee dowlad deegaanka Soomaaliya.
Ardaydaan oo ka kooban 834 qof ayaa ah dufcadii 20aad ee ka qalin jabisa kuliyadda, iyaga oo bartay xirfadaha kala duwan ee ay bixiso kuliyadda, ardaydaan ayaa isku jira kuwa qaatay tababaro dhaadheer iyo kuwa waqtigooda gaaban yahay.
Xafladan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka DDS Xuseen Gaydh, masuuliyiinta gobolka Shabeelle, Maamulka Magaalada Godey, masuuliyiinta kuliyada, waxgaradka magaalada, iyo marti sharaf kale.
Xafladaan qalin jabinta ayaa ah tii labaaad isbuuc gudahiisa ka dhacda dowlad deegaan, in ka badan 900 oo arday oo baratay xirfadaha farsamada gacanta, waxsoosaarka beeraha, iyo xanaanada xoolaha ayaa 8 june ka qalin jabiyay kuliyada xirfadaha kala duwan ee Dhagaxbuur, taas oo wadadarta guud ee ardayda baratay xirfadaha ka dhigeysa isbuucaan 1,771 qof.
Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa guluf xoogan ugu jira sidii sare ugu qaadi lahaayeen xirfadaha dhalinyarada iyada oo ujeedka guud uu yahay sidii ay hoos ugu dhigi lahaayeen shaqa la’aanta baahsan ee ka jirta deegaanka.