Friday, July 18, 2025

Shaki iyo Caro ka dhashay Mashruuca Kumanaanka Dollar ee Wajaale

Hargeysa (Dawan ) – Mashruuc beeraley iyo biyo-xireen malaayiin doollar ah oo laga hirgelinayo deegaanka Wajaale ayaa dhaliyay falcelin caro leh iyo walaac shacabka, kadib markii la shaaciyay in la rarayo bulshooyin iyo ciidamo halkaas degan—iyadoo aan loo hayn qorshe faahfaahsan oo dib-u-dejin ah.

Dawan oo heshay nuqullo rasmi ah oo ka mid ah dukumeentiyada mashruuca ayaa daaha ka rogtay heshiis kiro-dheer ah oo gaaraya 5,800 hektar, kaasoo dhex maray Hay’adda Pharo Foundation iyo Somaliland. Sida ku cad heshiiska, Pharo Foundation waxay sannadkii kireysan doontaa halkii hektar oo dhul ah lacag dhan $10 (toban dollar), taasoo wadarta guud ahaan noqoneysa $58,000 sannadkii—qiime ay dhaleeceeyayaashu ku tilmaameen mid aad u hooseeya isla markaana aan la socon wax daahfurnaan ah.

Heshiiska ayaa sidoo kale dhigaya in Pharo Foundation ay la wadaagi doonto Somaliland 10% wax-soosaarka beeraha haddii wax-soo-saar la helo. Hay’addu waxay yeelan doontaa xorriyad buuxda oo ay ku dhisi karto biyo-xireenno, waraabinta dhulka iyo dhisidda kaabayaal beeraleyda u adeega, waxaana mashruucu kusoo bixi doonaa afar weji.

Dukumeentiyada la helay waxay muujinayaan in Pharo Foundation laga dhaafay dhammaan canshuuraha iyo cashuuraha qalabka ay keensanayso, iyadoo hay’addu sidoo kale heli doonto maamul iyo fulin madax-bannaani buuxda oo ay ku go’aansan karto shaqaalaha, maaraynta dhulka, iyo habka uu mashruucu u shaqeyn doono.

Arrinta ugu muranka badan ee mashruuca ayaa ah qorshaha la xiriira raritaanka ciidamada iyo bulshooyinka deegaanka ee hadda ku sugan dhulka la kireeyay. Inkastoo heshiisku xusayo in Pharo ay qayb ka qaadan doonto kharashaadka raritaanka, ma jirto wax qorshe faahfaahsan oo la xiriira dib-u-dejinta ama magdhowga dadka deegaanka oo si rasmi ah loo shaaciyay. Arrintan ayaa keentay walaac iyo hubanti la’aan ku saabsan mustaqbalka dad badan oo noloshooda ku tiirsan beeraleyda dhaqameed iyo daaqsinka.

Sida lagu xusay dokumentiyada, mashruuca ayaa lagu gorgortamay muddo 18 bilood ah, iyadoo si toos ah uu ugu lug lahaa Madaxweynaha Somaliland. Hase yeeshee, lama samayn wax shaaciyad dadweyne ah ama la-tashi bulsho intii uu socday habka heshiiska.

Pharo Foundation waxay heli doontaa madaxbannaani buuxda oo ku aaddan hirgelinta mashruuca, iyadoo la dhisi doono guddi fulineed ka kooban lix xubnood—saddex ka socda Somaliland iyo saddex kale oo ka socda hay’adda Pharo. Si kastaba ha ahaatee, ma jiro wax kormeer dadweyne, baarlamaan ama mid hay’adaha bulshada rayidka ah oo lagu daray qaab-dhismeedka heshiiska.

Wasaaradda Horumarinta Beeraha iyo Waraabka ayaa difaacday mashruuca, iyadoo sheegtay in uu qayb ka yahay la tacaalidda isbedelka cimilada, saboolnimada miyiga, iyo biyo yaraanta, iyadoo la filayo war-saxaafadeed rasmi ah maalmaha soo socda.

Pharo Foundation waa hay’ad fadhigeedu yahay UK oo ka shaqeysa Somaliland, Kenya, Itoobiya iyo Rwanda, ka shaqeysana horumarinta waxbarashada, biyaha iyo beeraha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here