Madaxweynahii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa dowladda ku eedeyey in ay bulshada caasimadda kala soocayso, isla markaana qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho la dudsiinayo xuquuqdoodii deggennimo.
Wuxuu sidoo kale cambaareeyey in shacabka degmada Kaxda loo diiday xaquuqdooda deggennimo, isla markaana lagu hayo cadaadis bulsho iyo in lagu qasbayo inay isdiiwaangeliyaan si hubeysan, iyadoo geedi-socod doorasho oo hal dhinac ah la raacayo.
“Waxaan cambaareynayaa in shacabka Degmada Kaxda, oo la ogyahay in loo diidanaa xaqooda deggennimo, haddana lagu hayo cadaadis bulsho iyo in lagu qasbo isdiiwaangalin hubeysan iyo geedi-socod doorasho oo hal dhinac ah,” ayuu yiri Shariif.
Madaxweynahii hore ayaa sidoo kale muujiyey walaac ku saabsan xaaladda shacabka Kaxda iyo cadaadiska uu sheegay in lagu hayo.
Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay guddiga doorashooyinka inay joojiyaan cadaadiska ay shacabka Muqdisho saarayaan, isagoo xusay in hanaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn ay halis gelin karto midnimada iyo hufnaanta dimuqraadiyadda dalka.
Degmada Kaxda ayaa ka mid ah degmooyinka gadaal laga aqoonsaday degannimadooda, iyadoo dowladda ay sheegtay in degmadaas aysan ku jirin degmooyinka laga qabanayo doorashooyinka Golaha Deegaanka,balse dadkeeda la diwaanglinayo.